WARARKA SOOMAALI

Kulan Deg-deg ah oo laga yeeshay Amniga Muqdisho, xilli lagu jiro Ramadaan oo…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Booliiska, Nabadsugidda, Gobolka Banaaid iyo Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray mas’uuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah – si looga hortego falal amnio darro oo ka dhaca caasimadda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa weerarada, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan kordhiya inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana haatan laamaha amniga la faray inay feejignaan muujiyaan, si looga hortego falalkaas dhacaya.

 

Kulan Deg-deg ah oo laga yeeshay Amniga Muqdisho, xilli lagu jiro Ramadaan oo…
To Top