WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Madaale oo Digniin kasoo saartay hal arrin oo kusoo badatay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay Boqortooyada Saudi Arabia, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka Magaalada Riyaad.

Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaafsiga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Madaale ayaa sidoo kale warbaahinta ka sheegay in sharciga lala tiigsan doono shaqsiyaadka ka macaasha sameenta Documentiyada been abuurka ah ee Dowladda Hoose Xamar.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Ummada Soomaaliyeed in ay ka faaii’deystaan gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay ka fagoodaan wax kaste oo burin kara Soon-kooda.

Guddoomiye Madaale oo Digniin kasoo saartay hal arrin oo kusoo badatay Muqdisho
To Top