WARARKA SOOMAALI

Taliska Ciidanka DANAB oo beeniyay inay ka qeyb yihiin Dagaalada Laascaanood

Taliska ciidamada kummaandooska DANAB ee uu Mareykanka tababaray ayaa ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha Bulshada oo lagu sheegayay in ciidamo ka tirsan DANAB ay qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay Magaalada Laascaanood

Taliyaha ciidamada DANAB Korneel Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” oo Qoraal ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in ciidanka DANAB aysan ka qeyb qaadan dagaalka Laascaanood, isagoona ciidankooda ka fogeeyay wararka la faafiyey.

Sidoo kale Taliye Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa waxa uu xaqiijiyay in sarkaal lagu magacaabo Maxamed Sulaymaan oo horey uga tirsanaa ciidanka DANAB ee lagu dilay dagaalka Laascaanood, uusan xilligaan ka tirsaneynin ciidankooda.

“Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021,” ayuu Korneel Beeryare ku yiri bayaanka.

Taliyaha ciidamada DANAB Korneel Axmed Cabdullaahi ayaa waxaa uu intaas kusii daray in Maxamed Sulaymaan uu sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021, isla markaana xilligii la dilayay uusan wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada DANAB .

Wararka maalmahan la isla dhexmarayay ayaa tilmaamayay in sarkaal lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Suleymaan, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo mar soo hogaamiyay urur ka tirsan ciidammada DANAB, uu ku dhintay dagaalka Laascaanood.

Taliska Ciidanka DANAB oo beeniyay inay ka qeyb yihiin Dagaalada Laascaanood
To Top