WARARKA SOOMAALI

Saraakiil iyo ciidamo Itoobiyaan oo gaaray Baladweyne & xogta qorshaha socda

Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee howlgalka u jooga qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil ciidan iyo maamulka magaalada.

Saraakiisha Itoobiyaanka ee gaaray Baladweyne ayaa waxaa hoggaaminayay General Tesfaye oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada, iyagoona markii ay ka dageen Garoonka Ugaas Khaliif loo galbiyay xerada lama galaay.

Ujeedka saraakiisha ay magaaladaas u tageen ayaa waxaa uu yahay kuur gali lahaayeen qorshe la doonayo in gobolka Hiiraan lagu geeyo ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo la doonayo in qeyb ka noqdaan howlgalo cusub oo Galbeedka ka bilaabanaya.

Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oon qeyb ka aheyn howlgalka ATMIS ayaa la filayaa in ay soo gaaraan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, ciidankan ayaana dowladda Soomaaliya ka taageeraya howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab lagu saaro.

Howlgalkii dowladda kula dagaalameysay Al Shababa ayaa hakad galay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana la hadal hayaa in dowladda sugeyso ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo gacan ku siiya sidii Al-Shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan.

Saraakiil iyo ciidamo Itoobiyaan oo gaaray Baladweyne & xogta qorshaha socda
To Top