WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Qaraxyo ku weerartay Saldhig Ciidan

Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo saaka ku qaaday saldhig ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaano ku leeyihiin degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana weerarka kadib dhacay dagaal culus.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay kusoo warrameen in gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay Al-Shabaab marka hore ku weerartay saldhiga ciidamada xoogga ee Ruun-nirgood, kadibna waxaa dhacay dagaal dhexmaray Shabaabka iyo ciidamada.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay, isla markaana soo gaaray ciidamada ku sugnaa saldhigga, walow aan la caddeyn karin, inta uu la’egyahay khasaaraha, mana jirto cid faah faahin ka bixisay weerarka.

Saldhiga la weeraray ayaa waxaa maalin kahor tegay ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka yimid dhanka degmada Ceeldheer, si ay u xoojiyaan ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan degmada Ruun-nirgood.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u gashay xerarada, isla markaana ay dishay askar badan, kuwa kalena ay dhaawacday, sidoo kalena ay gubeen gaadiid ay lahaayeen ciidamada xoogga.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Qaraxyo ku weerartay Saldhig Ciidan
To Top