WARARKA SOOMAALI

Daraasad looga hortegayo dilalka Bajaajleyda oo la horgeeyay Golaha Wasiirada

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.

Guddiga oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xog-wareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.

Golaha ayaa ballan-qaadan in la fulin doono dhammaan qodobadaasi, si wax looga qabto dilal joogta ah ee ay la kulmaaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Daraasad looga hortegayo dilalka Bajaajleyda oo la horgeeyay Golaha Wasiirada
To Top