WARARKA SOOMAALI

Taliye ka tirsanaa Puntland oo lagu dilay Garoowe & Faah faahin laga helay

Nin hubeysan oo watay qori ayaa saaka waxa uu magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dilay Taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe, kaasi oo lagu magacaabi jiray laba xiddigle Axmed Cali Shire.

Dad goobta ka agdhawaa ayaa waxaa ay sheegeen in ninka dilka u geystay Taliye Axmed Cali Shire uu kamid ahaa dadka waxyaabaha maanka dooriya isticmaala,  isagoona markii hore isku dayay inuu goobta ka baxsado, balse gacanta lagu soo dhigay.

Ciidanka Booliska Garoowe ayaa qabtay Ninkii hubeysnaa ee falka geystay, isla markaana waxaa haatan saraakiisha ammaanka ee Booliska ay ku wadaan baaritaano ku aadan sababta keentay inuu dilkaas geysto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Garoowe kusoo badanayay Kooxaha isticmaalaya maandooriyaha khamriga, iyada oo dhowr jeer ay  magaalada Garoowe kula dagaalameen Ciidamada Booliska.

Taliye ka tirsanaa Puntland oo lagu dilay Garoowe & Faah faahin laga helay
To Top