WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay Shil Maanta ka dhacay Magaalada Burco

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay gudaha Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaaladaas.

Shilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Agagaarka Hotelka isha Burco, waxaana uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Booyad ah iyo Mooto Bajaaj, goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sidaas kusoo warramay.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee taraafikada ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay, Laba qof ayaa ku geeriyooday shilka, halka dad kalena oo saarnaa Mooto Bajaajta ay dhaawacyo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Shalay ayay aheyd markii shil gaari oo ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux uu ka dhacay wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Gobolka Togdheer Somaliland.

Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay Shil Maanta ka dhacay Magaalada Burco
To Top