WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Guddoomiye ku-xigeen Degmo oo la Qarxiyey iyo khasaaro ka dhashay

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay Albaabka guriga uu ka degan yahay Wanlaweyn.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa ku dhintay wiil 20 sanno jir ah oo uu dhalay Guddoomiye ku-xigeen Cabdullaahi Gaduudow, waxaana ku dhaawacmay Guddoomiye ku-xigeenka iyo mid kamid ah Ciidanka ilaaladiisa ah oo guriga joogay.

Cabdullaahi Gaduudow oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray oo lala tacaalayo xaaladdiisa Caafimaad, isagoo intaas kusii daray in ilaaladiisa ay qaraxa kadib fureen  rasaas xoogan oo aan waxyeelo geysan.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose in laamaha amniga dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka ay wadaan howlgalo kala duwan oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkaas.

Qaraxyada noocaan oo kale ee ka dhaca Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab, waxaana dhowr jeer oo horey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Wanlaweyn qaraxyo lagula beegsaday gudaha degmadaas.

Faah faahin: Guddoomiye ku-xigeen Degmo oo la Qarxiyey iyo khasaaro ka dhashay
To Top