WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo QM kala hadlay Arrimo muhiim ah oo ku…

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta oo talaado ah waxaa gaaray wafdi ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyagoona lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa qaabbilay Khabiirka madaxa bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Isha Dyfan.

Kulan Saacado qaatay wafdiga iyo Madaxweynaha waxay uga wada hadleen Abaaraha, Biya la’aanta, Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatal qowlka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Lataliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Madaxtooyada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo QM kala hadlay Arrimo muhiim ah oo ku…
To Top