WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga oo maalintii 4-aad galaya

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo khamiis ah galaya maalintii afaraad oo xiriir ah.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya

Madaxda Golaha ayaa soo gaba-gabeeyay kulamadii gaar gaarka ahaa ee ay la yeelanayeen Wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Musharaxiinta iyo Bulshada Rayidka, iyagoo ka dhageystay tallooyin ku aadan doorashada dalka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dood adeg waxaa ay ka leeyihiin sida aan xogta ku helna Arrinta amniga dalka oo uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse Ra’iisul Wasaare Rooble uu doonayo inuu la wareego.

Shirka Golaha ee ka socda Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed waxaa ay rajo wanaagsan ka qabaan natiijada kasoo bixi doonta Shirkaas looga hadlayo doorashada dalka iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga oo maalintii 4-aad galaya
To Top