WARARKA SOOMAALI

Kenya oo Bandow kusoo rogtay Gobol ay weeraro badan ka fuliyeen Al-shabaab

Wararka aan ka heleyno Gobolka xeebta ee Lamu ee dalka Kenay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas mar kale dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar khasaaro dhaliyey ka fuliyeen Gobolkaas.

Weerar Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Hindi oo ka tirsan Lamu ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay labo qof, kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab ay dadkaasi guryahooda ugu galeen.

Al-shabaab ayaa Isniintii weerar ay ka fuliyeen isniintii deegaan kale oo katirsan Lamu ku dilay ilaa 6 qof oo qaarkood la gowrcay, waxa ay sidoo kale Al-shabaab gubeen guryo ku yaalay deegaankaasi.

Wasiirka amniga gudaha, Fred Matiangi, ayaa sheegay in bandow xiliga habeenkii ah lagu soo rogay Gobolka xeenta ee Lamu si looga hortago weerarada dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka fuliyaan aagaasi.

Ciidamo badan oo katirsan booliska iyo Milatariga Kenya ayaa la geeyay deegaano katirsan gobolka Xeebta ee Lamu si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab ka fuliyaan deegaanadaasi oo cabsi badan hada ka jirto.

Kenya oo Bandow kusoo rogtay Gobol ay weeraro badan ka fuliyeen Al-shabaab
To Top