WARARKA SOOMAALI

Puntland oo xirtay Ciidan isku dayey inay Hub la baxaan iyo Dagaal xoogan oo dhacay

Dagaal xoogan ayaa xalay waxaa uu ka  dhacay Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Askar ka tirsan kuwa Daraawiishta ee Puntland ayaa la sheegay inay isku dayeen inay xoog kula baxaan hub ku xareysan xerada tababarka ciidamada Xorgoble, waxaana tallaabadaasi ka horyimid ciidamada Booliska oo dagaal la galay kuwa Daraawiishta.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama uu dhacay xilli habeen ah, in kastoo dadka deegaanka ay maqlayeen dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayey dagaalkaas dhacay.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Puntland oo ka hadlay shaqaaqadaasi ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay 13 askari oo ka mid ah ciidanka weerarka qaaday, sidoo kalena haatan lagu raad joogo 7 askari oo ka baxsatay goobta uu dagaalku ka dhacay.

Si kastaba, xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Booliska ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland oo howl-gallo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

Puntland oo xirtay Ciidan isku dayey inay Hub la baxaan iyo Dagaal xoogan oo dhacay
To Top