WARARKA SOOMAALI

Xafiiska RW Rooble oo looga yeeray Saraakiil ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Maxamed Nuur Jaamac ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ka dalbaday inuu u yeero Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka.

Qoraal uu Wasiirka Gaashaandhigga u diray Taliye Odawaa ayuu uga dalbaday u yeerida Illaa Shan Sarkaal Ciidan, si ay uga kulaan Guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay baarista dhacdadii 27 December ee la sheegay in lagu hor istaagay shaqada Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa laga codsaday in Saraakiishaan ay maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 8 Janaayo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan Guddiga baaritaanka.

Saraakiisha looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada.

Hoos ka Akhriso Magacyada Saraakiisha loo yeeray

Xafiiska RW Rooble oo looga yeeray Saraakiil ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada
To Top