WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay shaqaaqo Beello walalo ah ku dhexmartay Deegaanka Gocon-dhaalle iyo Dadaal nabadeed oo xoogan-Sawiro

Waxaa maalintii Shalay  Iska hor imaad Sababay Dhimasho uu ka dhacay deegaanka Gocondhaalle ee Waqooyiga magaalada Buuhoodle, Sidoo kalana waxay Arintaasi saamayn ku yeelatay  magaalada Horufadhi oo iyadana Rasaas la isku dhaafsaday, inkastoo aanu Jirin Khasaare ka dhashay.

Maanta Xaalada deegaanka ah ayaa ah mid degan oo Nabad ah,    Waxaana  soo gaadhnay magaalada horufadhi  Boqolaal ergo ah oo ka kala yimi Buuhoodle, Widhwidh, Farjanno, Sarmaan iyo deegaano kalaba,  Sidoo kale waxaa soo gaadhay ciidamo dhexdhexeed ah ka yimi Buuhoodle .

Waxay kulumo kala duwan la qaateen labada beelood ee Shaqaaqadu dhexmartay,  Waxaana jira is afgarad dhexmaray Ergooyinka iyo Labada Dhinac ee wax kala gaadheen, Iyadoona la isku raacay in la kala Qaado Labada ciidan.

FG : “Maanta oo Khasaaruhu yar-yahay hadii aan Nabad la qaadan oo la Heshiinin,   Waxaaa Hubaal ah iyadoo Khasaaruhu intaas ka batay, oo Rag badan oo maanta Nooli  ay dhinteen la Heshiin doono, Waana Muhiim inuu Caqligu shaqeeyo oo Nabadda loo Hiiliyo “.

SOMALI NEWS

To Top