WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Jubbaland

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka lagu aaso oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland oo sacdaal ku marayay wadada u dhexeeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqani.

Inta la xaqiijiyay qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa ku dhintay saddex Askari iyo Sarkaal magacaabiisa lagu soo gaabiyay Cabdullaahi Carab, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan Askar dhaawacyo soo gaareen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan degmada Afmadow.

Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah la eegta Ciidamada dowladda  iyo kuwa maamul Goboleedyada, xiliyada ay ku socdaalayaan waddooyinka.

SOMALI NEWS

To Top