WARARKA SOOMAALI

Howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo la fuliyay

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab oo laga fuliyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa u sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Gal-labashiir lagu dilay 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in xubnaha la dilay ay ku jiraan Saraakiil, sidoo kalena howlgalka lagu dhaawacay in ka badan 20 xubnood oo kamid ah Shabaabka, waa sida hadalka u dhigay Taliyaha Ciidamada.

Sidoo kale Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in howlgalka ujeedkiisa uu ahaa mid lagu doonayay in Shabaab looga saaro deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay kala wareegeen deegaano dhowr ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in howlgalka qorsheysan ee Shabeellaha Dhexe uu sii socon doono, ayna dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha ka dhasha.

SOMALI NEWS

To Top