WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay xaafad ka tirsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku dilay Nabadoon Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Guure.

Marxuumka ayaa la toogtay, xili uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii Cisho ee xalay, waxaana lagu dilay xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir.

Kooxihii ka dambeeyay dilka khaarijinta ahaa ayaa si dhaqsi ah goobta uga baxsaday, isla markaana waxaa sida cadaadada ahedy halkaas tegay oo Meydka Nabadoon Cabdi Cali Guure ka qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalka iyo weerarada ka dhaca Magaalada sheegta mas’uuliyadooda Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay Nabadoon Caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
To Top