WARARKA SOOMAALI

Marwada Madaxweynihii hore ee Somalia oo geeriyootay iyo Farmaajo oo ka hadlay

Allaha u naxariistee waxaa dalka Imaaraadka ku geeriyooday marwadii koowaad ee Qaranka Xaawo Cali Samtar oo aheyd marwaadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, oo ahayd Marwada, Alle ha u naxariistee, madaxweynihii hore ee dalka Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

Marwada Madaxweynihii hore ee Somalia oo geeriyootay iyo Farmaajo oo ka hadlay
To Top