WARARKA SOOMAALI

ATMIS oo Bandow kusoo rogeysa Xerada Afisyooni (War-saxaafadeed)

War kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS) ayaa waxaa lagu sheegay in, iyaga oo la tashanaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya inay xoojinayaan amniga xerada Afisyooni, halkaas oo la filayo in 15 bisha May lagu qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu shaaciyay in bandow lagu soo rogayo xerada Ciidamada cirkca ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 May ilaa tobanka bisha ah iyo illaa 17 ka Bisha.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida amamanka doorashada, iyadoo ATMIS lagu wareejiyay amniga guud ee teendhada Afisyooni, halkaas oo doorashadu ka dhacayso.

Doorashada Madaxweynaha10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 15-ka bishaan ka qabsoonto Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhaha Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde.

ATMIS oo Bandow kusoo rogeysa Xerada Afisyooni (War-saxaafadeed)
To Top