WARARKA SOOMAALI

Liiska Musharaxiinta Madaxweynaha ee Berri Khudbadaha jeedinaya oo la shaaciyay

Guddiga isku dhafka ee doorashada Madaxweynaha ayaa Galabta soo gaba-gabeeyay saddexdii Maanta ee diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayaa diiwaan-geliyay 39 Musharax oo isu soo taagtay qabashada xilka Madaxweynaha dalka, kuwaasi oo la siiyay shahaadada Musharaxnimo, kadib markii ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii Guddiga soo saareen ee loo baahnaa.

Musharaxiinta ayaa waxaa ku jiro Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore, siyaasiyiin iyo xubno kale oo siyaasadda dalka ku cusub.

Sidoo kale Guddiga ayaa shaaciyay magacyada 20 Musharax ee maalinta berri khudbadahooda kahor jeedin doona Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka oo ay uga hadli doonaan waxa ay qaban doonaan markii loo doorto xilka Madaxweynaha.

Hoos ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta

Liiska Musharaxiinta Madaxweynaha ee Berri Khudbadaha jeedinaya oo la shaaciyay
To Top