WARARKA SOOMAALI

Kulan looga hadlaayay Amniga Doorashada Madaxweynaha oo ka dhacay Afisyooni

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga doorashada oo ka dhacay Teendhada Afisyoonu, waxaana ka qeyb galay Gudigga doorashada, ciidaamada amaanka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee ATMIS.

Shirkan oo saacad qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Guddigga qaban-qaabada Doorashada, ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Ciidanka ku amray in Musharraxiinta imaaneysa hoolka dooraashada, Xildhibanaada, kor-joogtada iyo suxufiyiinta loola dhaqmo si, ixtiraam uu ku jiro.

Dhanka kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey  dedaalka ciidanka amaanka ay wadaan iyo guddigaba, isaga oo musharaxiinta iyo cid kasta oo hoolka doorashada imaaneysa u sheegay in shaqada ciidanka lagu ixtiraamo taas looga gol leeyahay adkeynta ammaanka doorashada oo ku dhacda si nabdoon.

Kulan looga hadlaayay Amniga Doorashada Madaxweynaha oo ka dhacay Afisyooni
To Top