WARARKA SOOMAALI

Dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamada DANAB iyo Al-shabaab & Faah faahinta

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland, kuwa Xoogga dalka ee DANAB oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan kuwo dhanka Koonfur uga beegsan Magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB ay weerar ku qaadeen saqdii dhexe ee xalay fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Xaliima Cadeey oo ku dhow Buuĺa Xaaji ee Koonfur Galbeed Kismaayo.

Inta uu socday dagaalka ayaa labada dhinac waxaa isku adeegsanadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa dagaalkii dhacay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha jira.

Saraakiisha Ciidanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee hoggaaminayey howlgalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi xalay ka dhacay deegaanka Xaliima Cadeey, iyagoona intaas kusii daray inay dib ka faah faahin ka bixin doonaan dagaalkaas dhacay.

Si kastaba Ciidamada Jubbaland iyo kuwa DANAB ayaa marar kala duwan waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamada DANAB iyo Al-shabaab & Faah faahinta
To Top