WARARKA SOOMAALI

Hadal-jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta ka bilaabaneysa Muqdisho

20 kamid ah Musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo la diiwaan-geliyey ayaa Maanta oo Arbaco ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka kahor jeedin doona khudbado ay uga hadlayaan waxa ay qadan doonaan marka la doorto.

Hadal-jeedinta Musharaxiinta ayaa saacad kadib ka bilaaban doonta Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, waxaana Musharax kasta la siiyay 15 daqiiqo oo uu kusoo jeedinayo sooyaalkiisa iyo waxyaabaha lagu dooranayo.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale ka dalbaday Musharaxiinta Madaxweynaha iney ilaaliyaan waqtiga loo siiyay iney kuso jeediyaan khudbadahooda, isla markaana Musharax walba ay tahay inuu raaco habraaca loogu talo galay.

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa loogu talo galay Maanta iyo berito oo taariiqdu tahay 11-12 bishan May, waxaana maalmaha Jimcaha iyo Sabtiga ay noqonayan laba maalmood oo diyaar garoow ah.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka dhaceysa 15-ka May, waxaana Musharaxiinta ay wadaan Ololihii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada Madaxweynaha.

Hadal-jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta ka bilaabaneysa Muqdisho
To Top