WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Gabar lagu toogtay gudaha Magaalada Hargeysa

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo loo geystay Gabar kamid ah aheyd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland.

Gabadha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Najma Cabdullaahi, isla markaana waxaa toogtay Askari ka tirsan Ilaalada Maxkamadaha Hargeysa, waxaana falkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Askariga iyo gabadha uu muran soo kala dhex-galay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gabadha oo wadatay gaari ay ku baakintay meel ku dhow Xarunta Maxkamadaha Magaalada Hargeysa, kadibna uu muran kooban dhexmaray Askariga iyo Najma, balse Askariga uu rasaas Najma uga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoo markii dambena geeriyootay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay Askariga falka geystay, kaasi oo isku dayey inuu baxsado, waxaana lagu xiray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska.

Wararkii ugu dambeeyay Gabar lagu toogtay gudaha Magaalada Hargeysa
To Top