WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Al-shabaab oo weerar Culus ku qaaday Ciidamo ka tirsan ATMIS iyo Qaraxyo….

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka oo talaado ah waxaa ay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka kadib ayaa waxaa uu dagaal toos ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa uu dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo Saldhig ku lahaa deegaanka iyo Al-shabaab weerarka halkaas ku qaaday.

Dadka deegaanka ayaa hurdada uga toosay jugta qaraxyo xoogan, kadibna uu xigay dagaal ay Al-shabaab kula wareegeen deegaanka Ceelbaraf oo ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda Burundi.

Al-shabaab weerar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay weerar kula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayna halkaas isaga baxeen Ciidankii ATMIS ee joogay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha inta uu la egyahay, maadaama xili hore ay tahay.

DEG DEG: Al-shabaab oo weerar Culus ku qaaday Ciidamo ka tirsan ATMIS iyo Qaraxyo….
To Top