WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya dalka Talyaaniga

Sii-hayaha xilka Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS Mudane Xasan Cabdiraxmaan Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Safar shaqo ugu amba baxay magaalada Rome Caasimadda dalka Taliyaaniga.

Sii-hayaha xilka Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa inta ay joogaan dalka Taliyaaniga waxay ka qeyb gali doonaan Shirka Arrimaha Diinta, Nabadda, Badqabka iyo Amnul fikriga oo ay isugu imaan doonaan Khubaro Ku xeeldheer gorfeynta nabad dhiska, Fikradaha xagjirnimada rabshadaha wata.

Shirka ayaa waxaa lagu casuumay matalayaal ka socda dowladaha Islaamka, iyadoo lagu soo bandhigi doona muhiimada Wadahadalka Nabadda iyo dabargoynta Fikradaha Xagjirnimada rabshadaha wata.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya dalka Talyaaniga
To Top