WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Deegaanka Tukaraq iyo Wufuud kala duwan oo ku wajahan maanta-Akhriso

Laascaanood (Horuadhi News)-Xaalad degenaasho oo aan cago badan ku taagneyn ayaa ka jirta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo maalin ka hor dagaal culus uu ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay deegaanka gaadhaan wafdi ka socda maamulka Somaliland oo la sheegay in ay u kuurgali doonaan xaalada deegaanka, iyaga oo dhinaca kalana la kulmi doona saraakiisha ciidamada halkaa ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ka socda dhanka Somaliland ay booqan doonaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidankooda, isla markaana ay u kuur galayaan xaalada.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in wafdi ka socda Beesha Caalamka ay ku sii jeedaan deegaanka, kuwaasoo iyana qiimeyn ku sameyn doona xaalada.

Beesha caalamka ayaa horeyba ugu baaqday in la joojiyo dagaalka Tukaraq, waxaana ay ka dalbadeen dhinacyada dagaalamaya inay gaaraan heshiis xabad joojin shuruud la’aan ah.

 

SOMALI NEWS

To Top