WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo ka faallo qaaday Nolosha iyo waxbarashadda Wiil Duufaantii ku waayey Qoyskiisa-Video+Sawiro

Hargeysa (Horuadhi News)-Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xarunta Madaxtooyada kusoo dhaweeyay wiil dhalinyaro ah oo dhawaan xubno badan oo kamid ah Qoyskiisa ku waayay duufaantii ku dhufatay Deegaanada Somaliland.

Ibarahim Muuse Cabdi oo Wiil da’yar ah ayaa ku waayay roobkii duufaanta watay ee ka da’ay  Magalada Lughaye ee Gobolka Owdal Hooyadiis , Aabihiis iyo lix caruur ah oo la dhalatay .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wiilkan ayaa xiliga ay mashaqada qoyskiisa ku dhaceysay ku maqnaa iskuul uu dhiganayay, waxa uuna ka war helay in qoyskiisa ay ku dhinteen roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay magaalada ay degnaayeen .

Madaxweynaha maamulka Somaliland oo murugada la qeyb saday wiilkan ayaa balan qaaday in uu kafaalo qaadayo noloshiisa  , waxa uuna sheegay Madaxweynaha in uu gacanta ku heyn doono wiilkan halkiisana uu kasii wadan doono waxbarashada.

Roobabkii duufaanta wadatay ee dhawaan ka da’ay deegaano katirsan maamulka Somaliland ayaa waxa ay sababtay dhimashada dad ka badan 10-qof iyo bur  bur soo gaaray dhismayaal badan.

SOMALI NEWS

To Top