WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay ee banaanbaxyada ka socda Laascaanood-Akhriso

Laascaanod  ( HM)-Magaalada Laacaanood Xarunta Gobolka Sool waxaa ka dhacay dibadbax Rabashado wata oo ay sameynayaan wadayaasha Bajaajka oo ka cabanaya qaar kamid ah dhalinyarada ay isku xirfadda yihiin oo ay xidheen Ciidamada Booliisku.

Askarta iyo Wadayaasha ay xidheen ayaa isku qabtay Ruqsadda ogolaanshiyaha wadista Gaadiid, balse Darawalada ayaa sheegay in aysan awoodin lacagta lagu jarayo oo aad uga badan dhaqaalaha ay ka helaan Mootada.

Dibadbaxyada ay sameynayaan Wadayaasha Bajaajka wax aka dhashay in la xidho goobaha ganacsiga, maadaama qaar kamid ah dadka cabashada sameynaya ay Gubayaan taayiro, meelaha qaar tuuryeenayaan halka mararka qaar la maqlayo rasaas lagu kala eryayo.

Maamulka Gobolka Sool ayaa sameeyay dadaalo ay ku xalinayaan cabashada wadayaasha, kuna joojinayaan dibadbaxa rabshadaha wata oo galay maalintii labaad oo xidhiidh ah, si dib loogu furo Goobaha Ganacsiga.

Isu socodka magaalada ayaa hakad galay, waxaana badhtamaha Magaalada Laascaanood lagu dhex arkayaa Dhalinyarada isu soo baxa dhigeysa, halka meelaha isgoysyada ah ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliiska oo wata Gaadiidka dagaalka iyo Shabaqlayaasha dadka lagu uruuriyo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top