WARARKA SOOMAALI

Boqorka Sucuudiga oo Cusbitaal saaka loola cararay iyo waxa ku dhacay.

Hargeisa ( HM) Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan bin Cabdicasiis oo ah 84 sano jir ayaa la dhigay isbitaalka iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin xaaladiisa.

Telefishinka Dowlada Sacuudiga ayaa saaka oo Isniin ah sheegay in Boqorka la dhigay isbitaalka isla markaana uu marayo baaritaano, walow warbixintaasi aan la raacin wax faah faahin ah.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xili lagu waday inuu dalkaasi yimaado Raysalwasaaraha dalka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi, dowlada Ciraaq ayaa wada dadaal ay ku dhex dhexaadineyso wadamada jaarka la ah ee Sacuudiga iyo Iran oo ay xiisadi ka dhex taagan tahay.

Raysalwasaaraha Ciraaq ayaa sheegay inuu dib u dhigay safarkii uu maanta ku tagi lahaa dalka Sacuudiga, sida ay xaqiijisay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Sacuudiga.

Boqor Salmaan ayaa xukunka qabtay sanadkii 2015, wuxuuna dhaxal-sugaha u magacaabay wiilkiisa Maxamed bin Salmaan oo isagu hada ah ninka wada hawlaha muhiimka ah ee dowladaasi.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top