WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Kooxo Bastoolado ku hubeesan oo aan heebtooda la garan ayaa xalay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay dableyda hubeesan ayaa markii dilka geesteen kadib isku dayay in ay goobta ka baxsadaan, hasa ahaatee ciidamo goobta ka agdhawaa ayaa la sheegay in ay dileen mid kamid ah ragii askarta dishay.

Ciidamada Booliska degmada Kaaraan ka howlgala oo soo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday meydadka labada askari iyo ninkii hubeesnaa kuwaa oo la geeyay xarunta Dambi baarista CID-da.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Askarta la dilay ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmadeey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan, waxa ayna ahaayeen askartan kuwa si weyn looga yaqaanay degmada Kaaraan ay mudo joogeen.

SOMALI NEWS

To Top