WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Saraakiil ka tirsan DFS oo tabar loo soo xiray iyo Erdogan oo…

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda ka soo qeybgalay Madaxweynaha Turkiga iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya Dalka.

Wasiirka Wsaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaas Shahaado Sharaf ku gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha Soomaaliyeed ee Tababarka usoo idlaaday.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Dowladda Turkiga ugu Mahadceliyay Tababaradda iyo taageerida ay la garab taagantahay ciidanka XDS.

SOMALI NEWS

To Top