WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Magaalada Baladweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ka howlgala.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen Askariga, xili uu ku sugnaa xaafadda howlwadaag ee Baladweyne, waxaana la sheegay in Askariga uu goobta ugu geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada ayaa teagy halka uu falku ka dhacay, isla markaana ka qaaday Meydka Askariga la toogtay oo sigaar ah uga tirsanaa Ciidanka Ururka 41-aad guutada 5-aad, laguna magacaabi jiray Cismaan Cabdikariim Maxamuud.

Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa si dhaqsi ah goobta uga baxsaday, waxaana halkaas howlgal baaritaano ka sameeyay Ciidanka amniga Magaalada Baladweyne, in kastoo aan weli la cadeyn in dad lasoo qabtay falkaas.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan falalkaas Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

SOMALI NEWS

To Top