WARARKA SOOMAALI

Muwaadin Soomaali ah oo xaaskiisa u dilay sabab siweyn looga fajacay

Xuseen Yuusuf Cigaal oo ka mid ahaa Soomaalida degan xaafada Edmonton ee dhacda waqooyiga magaalada London ee Caasimadda UK ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu soo eedeeyay in uu dil geystay.

Ninkan ayay maxkamad ku heshay danbi ah in uu dilay xaaskiisa oo la oran jiray Maryan Ismaaciil, 6 April sanadkii tagay ee 2020.

Xuseen ayaa maxkmada ka hor sheegay in xilli uu Karoona hayay ay xaaskiisa ku tiri aqalka iiga bax, muran halkaa ka dhashay ayuuna u sababeeyay dilka xaaskiisa, sidoo kale wuxuu sheegay in waqti uu dilka dhacayay uu isdifaacayay balse aanu tala galin in uu dilo marwadiisa.

Dambi baarayaashii loo diray in ay soo arkaan meydka marxuumadda ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu naxeen sida uu ninkan u dilay afadiisa, sidokale baaritaankooda waxay ku muujiyeen in anay u muuqan wax dagaal ah oo dhex maray ladabooda, iyaga oo cadeeyay in aanay jirin wax gacan ah oo ay Maryan geysatay, taasi oo meesha ka sareysa haladalka uu ninkan Maxkamadda ka horsheegay.

Xuseen Yuusuf oo ah 66 jir gudaha dalkaas kaga shaqeysta xirfadda darawal Bas ayay ugu danbeeyn maxkamada ku xukuntay Xabsi daa’in.

SOMALI NEWS

To Top