WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Degamada Afgooye (Yaa loo geystay)

Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ka howlgalayey degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay lagu dilay wadada macmacaanka ee degmada Afgooye.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Askariga ay dileen rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad, kuwaasi oo markii uu falka ka dhacay kadib goobta uga baxsaday luuq yar oo aaga ku yaalla, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen warbaahinta gudaha.

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Siidow Garre, Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sida caadada aheyd tagay goobta uu falku ka dhacay, kana qaaday Meydka, sidoo kalena sameeyay howlgal baaritaano kooban.

Maalmo kahor ayey markii gudaha degmada Afgooye gaar ahaan xaafadda Xaawo-taako ay kooxo hubeysan dil ugu geysteen kormeerihii Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Degamada Afgooye (Yaa loo geystay)
To Top