WARARKA SOOMAALI

Dib u dhac ku yimid Kulankii Maanta Codka kalsoonida loogu qaadi lahaa RW Xamse

Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu waday in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa, balse dib u dhac ayaa ku yimid kulankaas oo loo qorsheeyay Maanta.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa la filayay in Xildhibaanada lagu horgeeyo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xamse Cabdi Barre, si Codka kalsoonida loogu qaado, isla markaana u soo dhiso Gollihiisa Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka.

Laba sabab dartood ayuu kulankii Maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka dib ugu dhacay, waxaana ugu horreeya safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu maqan yahay dalka Imaaraadka Carabta, safarkaas oo qorshahu ahaa inuu laba maalin qaato, sida ay shaacisay Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa weli ku maqan Magaalada Abu Dhabi , halka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu isna howlo shaqo ugu maqan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Si kastaba maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xamse Cabdi Barre la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, si Codka kalsoonida loogu qaado.

Dib u dhac ku yimid Kulankii Maanta Codka kalsoonida loogu qaadi lahaa RW Xamse
To Top