WARARKA SOOMAALI

Diyaarad Dagaal oo ku burburtay xuduudka Ukraine & Wararkii ugu danbeeyay

Duuliye Ruush ah ayaa geeriyooday, kadib, markii ay diyaarad dagaal oo nooceedu ahaa Sukhoi Su-25 xalay ku burburtay meel ku dhow xuduudka dalka Ukraine.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciidanka Cirka ee Ruushka ayaa lagu sheegay inay diyaaradaasi ku burburtay Gobalka Rostov ee u dhow xuduudka Ukraine.

Wakaalladda Wararka Raashiya ee INTERFAX ayaa sheegtay inuu hal Duuliye ku geeriyooday Shilkaasi, iyadoo warar hordhac ah muujiyeen in cillad farsamo qabsaday diyaaradda, xilli ay duullimaad Tababar ku jirtay.

Maamulayaasha Ruushka ma xaqiijiyey in diyaaradda burburtay ay qeyb ka ahay duullaanka Milliteriga Ruushka  ka wadaan dalka Ukraine io u dhow Xuduudka Gobalka Rostov.

Bishan june 17-dii, Diyaarad kale oo dagaal oo nooceedu ahaa Sukhoi Su-25 ayaa ku burburtay Gobalka Belgorod we dalka Ruushka,  una dhow xuduudka dalka Ukraine.

 

Diyaarad Dagaal oo ku burburtay xuduudka Ukraine & Wararkii ugu danbeeyay
To Top