WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dil Goordhow ka dhacay Magaalada Baladweyne

Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa daqiiqado kahor waxaa lagu dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Askariga ayaa waxaa dilay rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, wuxuuna falkaas uu si gaar ah uga dhacay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweeyne.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dilka loo geystay Askariga uu ka dambeeyay, kadib markii muran kooban uu Askariga iyo maleeshiyaadka hubeysan soo kala dhex-galay, iyagoona isku qabsaday Mooto Bajaaj laga sii daayay Bar koontarool.

Dhawaan ayey aheyd markii Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas dhowr jeer oo horey uga dhacay dilal loo geystay Askar.

Wararkii ugu dambeeyay Dil Goordhow ka dhacay Magaalada Baladweyne
To Top