WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa hoyga uu ka dagnaa Magaalada Muqdisho kulamo kala gaar kula qaatay Madaxweynayaashii hore ee dalka  Shariif Sheekh Axmed iyo  Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe iyo labada Madaxweyne hore ayaa kawada hadlay arrimaha doorashada iyo amaanka gaar ahaan qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.

Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaana u sheegay Madaxweynaha Jubbaland in ay taageersan yihiin qodobada kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga , waxa ayna ugu baaqeen in laga shaqeeyo hufnaanta doorashada laguna soo gabagabeeyo waqtiga loo qabtay.

Midowga musharaxiinta Madaxweynaha ay ka tirsan yihiin Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa taageeray Shirka Golaha Wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay, iyadoona talaayinkii ay dhiibeen Musharaxiinta la qaatay.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh
To Top