Jugta qarax xoogan ayaa waxaa dhowr iyo tan daqiiqo kahor laga maqlay inta degmooyinka Gobolkaan Banaadir, waxaana qaraxaas uu ka dhacay wadada aada dhinaca Afisyooni ee 21 Octoober.

Qaraxaas ayaa waxaa uu mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana gaariga oo aan weli noociisa la sheegin uu ku qarxay wadada aada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Cirka isku shareertay uuro iyo qiiq madow.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa qaraxa kadib furay rasaas xoogan, isla markaana si dhaqsi ah u gaaray goobta qarxa, sidoo kalena xiray aaga oo dhan, una diidaya inay maraan gaadiidka iyo dadka wadada.

Illaa iyo hadda  lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada aada dhinaca Afisyooni ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir…

DEG DEG:-Qarax xoogan oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top