WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Dad badan ku dhinteen oo socda Galgaduud

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah ka socda degaanka Balanballe ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed hubeysan oo xoolo dhaqato ah.

Dagaalkan maleeshiyo beeleedka dhexmaraya ayaa waxaa uu salka ku hayaa Arrimo la xiriira muran dhul-daaqsimeed, iyadoo aysan weli cid kala dhex gashay oo joojisay dagaalkaas xoogan oo galay maalintii saddexaad.

Inta la xaqiijiyay dhowr iyo toban qof ayaa ku geeriyooday dagaalka Balanballe ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud oo soo kala gaaray labada dhinac, halka tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalo.

Si kastaba degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo sababay  dhimasho iyo dhaawac oo intooba badan salka ku haaya Arrimo la xiriira dilal horey u dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Dad badan ku dhinteen oo socda Galgaduud
To Top