WARARKA SOOMAALI

Kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Doorashadooda Maanta lagu qabanayo Garoowe

Guddiga hirgelinta doorashada ee Puntland ayaa maanta doorashada kuraas ka mid ah Baarlamaanka Soomalaiya ku qabanayo magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP#192, HOP#094, HOP#014, HOP#121, HOP#174 & HOP#074, kuwaasi oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyeen Xildhibaano ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad.

Sidoo kale kuraastan lixda ah waxaa ku tartamayaa illaa 12 musharrax oo buuxiyey shuruudaha tartanka ee doorashada, isla markaana ay diiwaan-geliyeen Guddiga doorashada maamulka Puntland, lana siiyay shahaado Musharaxnimo.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa dhawaan lagu doortay Xildhibaano cusub oo kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladdda Federaalka, kuwaasi oo doorashadoodu tahay Puntland.

Kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo Doorashadooda Maanta lagu qabanayo Garoowe
To Top