WARARKA SOOMAALI

Qarax xoogan oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo faah faahin laga helay

Wararka aan ka heleyno inta u dhexeeysa deegaanada Ceelgaal iyo Kalabeyrka ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas gelinkii dambe ee shalay qarax xoogan lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa miino dhulka la geliyay ee laga hago meelaha fog-fog, waxaana qaraxa uu qabsaday mid kamid ah gaadiidka ay wateen Ciidamada Itoobiyaanka ahaa oo markii hore kasoo Magaalada Baladweyne.

Dad ayaa ku warramay in qaraxa uu ku gubtay oo uu burburiyey mid kamid ah gaadiidka ay la socdeen Ciidanka Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ee la qarxiyey, sidoo kalena uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo faah faahin laga helin.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxa lala eegtay Ciidanka Itoobiyaanka ahaa, iyagoona tilmaamay inuu burburay mid kamid ah gaadiidkii kolonyada oo uu qaraxu haleelay.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay qaraxyo khasaaro dhaliyey ula beegsadeen Ciidamo ka tirsan Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM, sidoo kalena ay labada dhinac dhexmareen dagaal xoogan.

Qarax xoogan oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo faah faahin laga helay
To Top