WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dad shacab ah oo lagu laayay Gobolka Mudug

Dabley hubaysan ayaa dad shacab ah xalay ku laayay baadiyaha degaanka lagu magacaabo, Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas la heleyno.

Laba nin oo kamid ah xoola-dhaqatada miyiga Dhagxanya-cadde ayaa ku dhintay weerarka, halka mid kalena ku dhaawacmay, kuwaasi oo kamid dadka deegaanka, waxaana waxyeelada u geystay maleeshiyaad hubeysan.

Wararka ayaa intaas waxay kusii darayaan in weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob uu yahay mid la xriira aano qabiil oo horey uga dhacday Gobolka Mudug.

Falkaan lagu dilay dadka xoolo-dhaqatada ayaa waxaa si kulul uga hadlay Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre ahna Gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada Baarlamaanka Galmudug, wuuxuna laamaha amniga Maamulka ugu baaqay inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarka dhacay.

SOMALI NEWS

To Top