WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo QM kala hadashay dhisida hay’adaha Amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa wada hadal mira dhal ah Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka) kula yeeshay Ergada Qiimeynta Hawlgalka Qaramada Midoobay ee ku aadan ‘Rule of Law Sector in Somalia’

Wasiir Xasan ayaa carabka ku adkeeyay intii uu kulanka socday ahmiyadda iyo mudnaanta ay leedahay hirgalinta STP, iyadoo si wanaagsan loola jaan qaadayo dhamaan Wasaaraddaha ay khuseyso, isla markaana u baahan dhisidda awoodda hay’adaha Amniga.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in waxyaabaha ku saabsan arrimaha ammaanka dalka ay muhiim tahay in Soomaaliya wax laga weydiiyo maadaama ay shaqeynayan hay’addaha Ammaanka dalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay war bixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top