WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dad ku le’day Qarax xoogan oo ka dhacay Jubbaland

Gaari tagsi ah oo gelinkii dambe ee shalay ka baxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kuna sii jeeday degaanka Dhoobley ee Gobolkaas ayaa la soo sheegayaa inuu qarax ku qabsaday meel ku dhow degaan lagu magacaabo Taabta.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan oo ay la socdeen 7 qof oo shacab ah ay la kacday miino wadada ku aasneyd oo uu dulmaray kahor salaadii maqrib ka dib ee habeenkii xalay aheyd.

Goobjoogayaal halkaas ka Agdhawaa ayaa kusoo warramay in qaraxaas ay ku dhinteen dhamaanba todobadii qof ee la socday gaarigaas oo ay ku jireen darawalka iyo Ilmo yar oo lix bilood jira.

Meydadka dadkan ayaa la sheegay in xalay fiidkii loo qaaday degaanka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose si loogu wareejiyo dad eheladooda ah oo halkaas degan, ka dibna loo aaso.

Ma jirto illaa hadda Al-Shabaab iyo maamulka Jubbaland cid ka hadashay dhacdadan uur kutaalada leh ee qabsatay shacabkan aan waxba galabsan ee mar kaliya ku dhamaaday qaraxa qabsaday gaarigooda.

SOMALI NEWS

To Top