WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Doorashada

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in aaladda fogaan aragga ay shir ku wada qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay,

Kulanka u dhexeeyay Wasiir Beyle iyo xubnaha kamid ah Qaramada Midoobey ayaa waxaa looga hadlay dar dargelinta hannaanka doorashooyinka ee dalka iyo inay ka qeyb qaataan qarashaadka ku baxa doorashada oo muran xoogan uu ka taagan yahay.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya Doorashooyinka Qaranka la yeelanay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka, waxaa naga go’an in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno howlaha lagu Horumarinayo hannaanka Dowladnimada”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xusay in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda dalka ay ka go’antahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dowladnimada dalka.

SOMALI NEWS

To Top