WARARKA SOOMAALI

Dhageyso:-Ciidamada Jubbaland oo Xabsiga dhigay in ka badan 20 Ruux.

Kismaayo (HM)-Howlgal ay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka sameeyeen Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa waxaa la sheegay inay ku qab qabteen tiro dad ah oo la sheegay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada Calalaeey ee Magaalada Kismaayo, waxaana Booliska ay sheegeen in lagu qabtay maanka dooriha Xashiishka, khamri farabadan & dad ka Ganacsanayay.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in howlgalka uuu ka dambeeyey, kadib cabasho ay u soo gudbiyeen dadka ku nool Xaafada Calaleey ee Magaalada Kismaayo, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 20 Ruux.

Waxaa uu sheegay in dadka la qabtay ay u gudbin doonaan Maxkamadda Jubbaland si Cadaalad loo marsiiyo, isaga oo sheegay in waxyaabaha maanka dooriya ay ka qeyb qaataan falal amni darro oo ka dhaca Magaalada Kismaayo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Xaafadaha qaar ee Magaalada Kismaayo waxaa ay ka cabanayeen in maandiiiyaha khamriga iyo Xashiishka uu kusoo badanayay Xaafadahooda.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top