WARARKA SOOMAALI

Diyaaradii ugu horeysay oo ka soo duusha Israil oo goordhow ka dagaysa Imaaraadka-Akhriso

Muqdisho (HM)-Diyaaradii ugu horeysay ee ay saaran yihiin rakaab oo si toos ah uga soo duusha Isra’iil ayaa lagu wadaa inay ka dagto maanta garoon ku yaal wadanka isutagga imaaraadka carabta kadib markii labada dal ay sameysteen xiriir diblumaasi.

Diyaaraddaasi waxa raaci doona wefdi ka socda Israai’iil iyo saraakiil Maraykan ah kuwaasoo gacan ka geystay gaaridda heshiiska nabadeed.

Kalmadda nabad oo ku qoray luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Hebrew-ga ayaa lagu xardhay diyaaradda El Al ee ay leedahay Israa’iil.

Sidoo kale rakaabka diyaarada raacaya ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil kuwaas oo si rasmi ah u furi doona safaaradda dalkooda uu ku yeelanayo Imaaraadka si ay u sahasho isu socodka iyo ganacsiga u dhexeeya labada waddan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lataliyaha Madaxweyne Trump ahna wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner uu hogaamin doono wefdiga.

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii hore soo afjaray cunaqabateynta ganacsiga ee uu ku hayay Israel.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, oo kulan la qaatay lataliyayaal ka tirsan Aqalka Cad oo ka mid ah wefdiga raaci doona diyaaradda, ayaa sheegay in dalkiisa uu wadahadallo qarsoodi ah kula jiro waddamo kale oo Carab ah.

Waxa uu sheegay inuu filayo in dalalkaasi ay mari doonaan dhabaha Imaaraadka oo kale, isagoo intaa raaciyay in Falastiiniyiinta aanay hadda kadib lahaan doonin waxa uu ugu yeeray “go’aan qayaxan oo ay ku horjoogsadaan nabadda”.

Falastiiniyiinta ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka uu Imaaraadka heshiiskaasi ku qaatay iyada oo aan xal laga gaarin colaadda kala dhexaysa Israa’iil.

Xigasho:-Jowhar.com

SOMALI NEWS

To Top